Home WARARKA MAANTA Sarkaal katirsan Ciidanka ICE oo New York qof ku toogtay

Sarkaal katirsan Ciidanka ICE oo New York qof ku toogtay

2
0

Jimco  9 Oct 2026 {CBB}Sarkaal katirsan Ciidanka socdaalka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah dadka sida sharci darrada ku jooga Maraykanka loona soo gaabiyo ICE ayaa toogasho ka gaystay Deegaan kaitrsan Magaalada New York iyada oo ciidankaas ku jireen howlgallo ka dhan ah Soogalootiga.

Wasaaradda Amniga Gudaha Maraykanka oo ka hoos shaqeeyaan Ciidanka ICE ayaa xaqiijisay in toogashadaas uu sarkaalku ku fuliyay hubkii ku howlgaliyay, waxaana ay tilmaamtay in uu dhaawac soo gaaray qofkaas laguna daweynayo Isbitaal deegaanka ku yaalla.

Duqa Magaalada New York, Zohran Mamdani ayaa dhacdadaan ku tilmaamay arrin aan la aqbali Karin oo aad u culus isaga oo is barbardhigay ujeedka howlgalka iyo dhiigga la daadinayo oo dhibaato ku ah xasiloonida ka jirta Magaaladaas uu maamulo.

Toogashadaas kaddib, dad ka caraysan ficilkaas ayaa rabasho kala hortagay Booliska magaalada New York, waxaana ay dadkaas dalbaday in maxkamad lasoo taago xubinta toogashada gaystay ee katirsan Waaxda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka ICE.

Arrin ugub ah ma ahan in Ciidanka Socdaalka ee ICE ay toogtaan Dad rayid ah tan iyo markii ay billaabeen fulinta amarka kasoo baxay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee lagu qabqabanayo dadka bilaa sharciga jooga dalkiisa.

Maamulka New York ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump ay kala hadleen dhibaatooyinkaan si loo xakameeyo ciidanka ICE ama ugu yaraan la joojiyo howlgallada ay ka wadaan Magaaladaas oo muhiim u ah Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here