Home WARARKA CAALAMKA Kenya oo DFS ka gacansiineysa dib usoo celinta ciidankii isaga baxay Raaskambooni

Kenya oo DFS ka gacansiineysa dib usoo celinta ciidankii isaga baxay Raaskambooni

7
0

Sabtii 14 Dec 2024 {CBB}Sida ay daabacday Warbaahinta Dalka Kenya, Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in dhiggeeda Muqdisho ay ka gacansiineyso dib usoo celinta ilaa 600 oo askari oo kamid ahaa ciidankii horay loo geeyay Raaskambooni ee labo cisho kahor halkaas isaga baxay.

Kenya ayaa sheegtay in howlaha la xiriira daabulidda Ciidankaas ay gacan ka siineyso Dowladad Federaalka Soomaaliya si askartaas iyo saraakiisha hoggaamineysa ee la jooga dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho.

Shalay waxaa Magaalada Raaskambooni diyaarad laga soosaaray askarĀ  u gacan gashay Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland, saraakiisha soo sagootisay ayaa sheegtay in iyada oo aanay waxyeello la gaarsiin dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka & saraakiisha hoggaaminayay ayaa dhinaca Kenya galay iyaga oo isaga baxay Magaalada Raaskambooni oo markii dambe gacanta u gashay Ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Weli ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriira dib usoo celinta ciidankaan oo horay u sheegtay in Magaalada Raaskambooni loo geeyay in ay kala wareegaan howlgalka kumeel-gaarka ah ee ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here