Home WARARKA MAANTA Madaxweynaha Faransiiska oo tegaya Jabuuti iyo Itoobiya

Madaxweynaha Faransiiska oo tegaya Jabuuti iyo Itoobiya

2
0

Jimco 20 Dec 2024 {CBB}Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in Jimcaha maanta uu u safro dalka Jabuuti, waxaana uu booqan doona ciidamada Faransiiska ee ku sugan saldhigga uu Faransiiska ee ku yaala dalka Djibouti.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu gaaro dalka Jabuuti, oo uu halkaas kula kulmo dhiggiisa Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo uu kala hadli doono xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrikaba.

Labada waddan, waa Faraansiiska iyo Jabuuti, ayaa lagu wadaa inay sii xoojiyaan xiriirka ka dhaxeeya oo ah mid wanaagsan.

Macron ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu tego dalka Itoobiya muddo 5 sano ah kadib.

Bishii Luulyo ee sanadkan, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku heshiiyey in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kaddib wadahadallo laba sano socday.

Waxay saxiixeen heshiis ku saabsan “dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti, kaas oo ka dhacaymadaxtooyada Faransiiska.

Heshiiska difaaca ayaa markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska , waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii.

Madaxweynaha Faransiiska, Emanuel Macron, ayaa xalay ku hoyday jasiiradda burburtay ee Mayotte. Jasiiradda o ay ku dhufatay dufaan xoogan ayaa waxaa isaga oo saaran diyaarad ah nooca helicopter, uu ka eeegay dusha sare isaga oo ku sifeeyey maalin aanu ilaawi doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here