Home WARARKA CAALAMKA Wafdi ka socda DFS oo shir uga qayb galay dalka Algeria

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qayb galay dalka Algeria

2
0

Sabtii 21 Dec 2024 {CBB}Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS  Siciid Maxamed Maxamuud Xeyd iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Algeria kaga qeyb galaya shirka Wasiirada Howlaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa shir gaar ah la yeeshay Wasiirka Howlaha Guud ee Dalka Shiinaha Ni Hong oo ka qeyb ka ah shirkaas.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba dal, gaar ahaan dhanka dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, inta uu shirka socday wasiir Xeyd ayaa sidoo kale la wadaagay Wasiirka in Soomaaliya uu ka jiro xaalad soo kabasho oo dhanka dhismaha ah, Dowladda shiinahana looga baahanyahay in ay qabteeda ka qaadato.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Dalka Shiinaha ayaa dhankiisa sheegay in labada Wasaaradood ee Soomaaliya & Shiinaha ay kor u qaadi doonaan xiriirka & iskaashiga dhanka Dhismaha, Dhib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, Aqoon iswaydaarsiga iyo maalgashiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here