Arbaco 25 Dec 2024 {CBB}Guddiga Arrimaha Qoyska, xuquuqul insaanka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Golaha Wakiilada KGS ayaa kulan ku yeeshay Hoolka Shirarka Guddiyada ee Baarlamaanka KGS.
Gudoomiyaha Guddiga Xil. Bishaaro Ali Nur oo ay wehliyaan Xubnaha intooda kale ayaa shirgudoomisay kulanka oo Ajendihiisu ahaa Aqrinta iyo falanqeynta Xeerka ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimo ee DKGS,
Intaas kadib, xubnaha Guddiga ayaa ka dooday qodobada qaar ee Xeerka iyagoo su’aalo iyo sharaxaad dheeri ah ka weydiiyay Wasiir
Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Abdullahi Isack Moalim(Ganey) oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud iyo Lataliyaha Wasaaradda oo Kulankaasi goobjoog ahaa.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga ayaa soo xirtay Kulanka ayadoo sheegtay in warbixinta Guddiga la horgeyn doono fadhiga Guud ee Golaha.