Jimco 27 Dec 2024 {CBB}Waxaa Magaalada Hargeysa ku soo laabtay Wafdi Wasiirro iyo Taliyeyaal Ciidan oo ka socday Maamulka Somaliland, kuwaas oo shalay Jigjiga u tegay kulamo la xidhiidha xal u raadinta Dagaalkii Dacawaley.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in Wefdigan Somaliland kulan la qaateen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya iyo masuuliyiin dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka tirsan.
Sidoo kale Wararka ayaa sheeaya in labada dhinac ay isku afgarteen in si degdeg ah loo joojiyo dhiiga daadanaya, islamarkaana xaaladdana lagu dhameeyo xal nabadgalyo si aan wax danbe u dhicin.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in sidoo kale la isla gartay qodobo ay ka mid yihiin:
1. In Ciidamada la kala qaado.
2. In federal la wareego Amaanka goobaha degaalku ka dhacay oo la keeno Ciidamada.
3. In guddi madaxbanaan la sameeyo
4. In la bilaabo wada hadalkii dib u heshiisiinta oo mas’uuliyadiisa ay dammaanad qaaddeyso dawlada Faderalka Itoobiya.







