Home WARARKA MAANTA Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS “Waa in aan ka faa’iidaysannaa khayraadka dalkeenna...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS “Waa in aan ka faa’iidaysannaa khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara”.

126
0

Axad 29 Dec 2024 {CBB}Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, si uu ugu kuurgalo hawlaha ay wasaaraddu u hayso dadka Soomaaliyeed.

Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay mas’uuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uga warbixiyey adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u fidiyaan, gaar ahaan xannaanada xoolaha, ilaalinta dhirta, iyo horumarinta daaqa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha wasaaradda lagu waafajiyo Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP), oo ahmiyad ballaaran siinaya  dadka Soomaaliyeed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

“Waa in aan ka faa’iidaysannaa khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS.

Dhanka kale, Saalax Jaamac ayaa xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaran uu diiradda saarayo maalgelinta beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa ku boorriyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, in ay sii xoojiyaan dadaalladooda, si loo xaqiijiyo himilooyinka Qorshaha Isbeddelka Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here