Axad 5 Jan 2025 {CBB} —Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta lagu aasayaa 6 askari oo katirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka oo dhowaan koox lagu raad-joogo ay ku dishay Degmada Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Madax dhaqameed & qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qaybgalaya duugtaas loo sameynayo askartaan oo maalmihii lasoo dhaafay lagu hayay qaboojiye.
Waan-waan kaddib waxaa lagu guuleystay in aas loo sameeyo ciidamadaan, halka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay jartay warqadda lagu soo qabanayo Dadka lagu eedeeyay in ay ka dambeeyay dilkooda si loo maxkamadeeyo.
Odoyaasha dhaqanka ayaa soo jeediyay in xaaladda la dejiyo si looga fogaado colaad saameyn taban ku reebta Dad kale, isla xisaabtanka Dil wadareedka loo geystay ciidankaasina laga sugayo Dowladda Dhexe iyo Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.







