Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada qalabka sida

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada qalabka sida

27
0

Axad 19, Jan 2025 {CBB}Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta kala ah:- Wasiiru dowladaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Hay’adda Nabad Sugidda, si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka Al-shabaab.

Sidoo kale, Madaxwaynaha ayaa warbixinno ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka, arrimo ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey daddaallada ay wadaan Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wadday dedaallo la xiriira dhisiidda cidamada xagga saanadda iyo tababarada, si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here