isniin 20, Jan 2025 {CBB}Hantidhowraha guud ee JFS Abuukate Axmed Ciise Guutaale ayaa bogaadiyay kororka Miisaaniyadda Dowladda, waxa uu xusay in labadii sano lasoo dhaafay uu xafiiskiisa door firfircoon ka qaatay kororkaas muuqda sida uu hadalka u dhigay.
Guutaale ayaa sheegay in isla xisaabtanka iyo dabagalka ay sal u ahaayeen in dakhliga Dowladda soo gala si toos ah loogu xareeyo meelaha ku habboon, Hantidhowraha guud ee JFS ayaa dhiirrageliyay tallaabooyinka cusub ee la qaadayo.
Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in adeegyada lagu sameeyay fatashka ama dabagalka laga arki karo natiijada kasoo baxday dabagalkaas, kororka dakhliga iyo howshii ka socotay xafiisyadaas ama hay’adahaas.
“Dakhliga gudaha in uu isbaddelay ma ahayn wax iska dhacay ee waa wax ku yimid dedaal la sameeyay, sidii loo tallaabsaday 2024 ayaa la rabaa in 2025 loosoo kordhiyo” Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowraha guud JFS.







