Home WARARKA MAANTA RW Xamsa oo Kulan la Qaatay Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada

RW Xamsa oo Kulan la Qaatay Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada

29
0

Axad 02, Feb 2025 {CBB} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda loo dhanyahay, waxaa kulankaan diiradda lagu saaray dardargelinta taageeridda Doorashada & dhammeystirka Dastuurka Dalka.

Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay guddigaan oo soo bandhigay dedallada lagu hirgelinayo doorashooyinka Dalka si loo saldhigo Doorasho qof iyo cod ah oo dhammaan dhinacyada daneynaya uwada furan.

Waxa uu faray Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku jira Guddi Hoosaadka siyaasadda loo dhanyahay in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta waxyaabaha loo baahan yahay si ay u hirgasho Doorashada.

“Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.” Ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre

“Dhammaan hay’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre

Waxaa socda qorshaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu horgeynayo cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka, marka uu furmo fadhiga Baarlamaanka 11aad Maalmaha soo socda ayaa laga shaqeyn doonnaa cutubyadaas sida qorshaha uu yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here