Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dal

Sawiro;-Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dal

0
28

Talaado 4, Feb 2025 {CBB}Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, ayaa qaabilay wafdi ka socda dalka Azerbaijan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda dalkaas Mudane Yalchin Rafiyev.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta arrimaha xariirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Tamarta, Batroolka,Maalgashiga iyo tababarka xirfadlayaasha.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiye Fathudiin Ali,  Guddoomiyaha hay’adda Batroolka Somaliyeed Engineer Abdulkadir Adan Mohamed iyo masuuliyiin kale.

Kulankaan ayaa haa mid diiradda lagu saarayay, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo dhinacyada iskaashiga Tamarta iyo Macdanta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here