Home WARARKA MAANTA Soomaaliya & Azerbaijan Oo Kala Saxiixday Heshiisyo Cusub

Soomaaliya & Azerbaijan Oo Kala Saxiixday Heshiisyo Cusub

81
0

Arbaco 12-02-2025 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Mudane Ilham Aliyev ayaa goobjoog ahaa saxiixa heshiiskaan dhexmaray wasaaradaha gaashaandhigga labada dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here