Sabti 22, Feb 2025 {CBB}Taliska Ciidanka xooga oo war ka soo saaray dagaalkii maalin ka hor ka dhacay Deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Sh/dhexe, kadib markii weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaaday kooxda Al-shabaab.
Warka kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga ayaa waxaa lagu sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda iyada oo la dilay ilaa 5 horjooge oo ka tirsanaa kooxda, waxayna taliska shaaciyeen magacyada xubnaha la dilay.
Magacyada hpgaamiyeyaashii Al-shabaab ee lagu laayey dagaalka Ceel Cali Axmed ayaa waxaa ka mid ah.
1: Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow, wuxuu ahaa Horjoogaha Jabhadaha Gurmadka Dhexe lyo Jaysh Aqsaa ee ka howlgala Gobolada Mudug, Galgaduud iyo Sh/Dhex, kuwaasi oo u badan Ajaaniib.
2: Daahir Buuxsade wuxuu ahaa Amiir Katiibo ama Taliye, Urur Shalay
3. Madixii gaadiidka Guud horjooge (Anas)
4. Khaalid Jiis) oo aha amiir katiibo ama waxay Khawaarijta u yaqaanaan Taliye Urur.
5: Horjooge Casaam oo ahaa Amir sariiyo ama Taliye Horin iyo horjoogayaal kale.
Sidoo kale Tiro ku dhaw boqol dagaalame ayaa kooxda looga dilay dagaalka Ceel Cali Axmed sida uu sheegay afhayeenka wasaarada gaashaandhiga Abuukar Macalin.
Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgal ka dhan ah Al-shabaab.







