Axad 23,Febr-2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Furey Shirka 5-aad Golaha Maamulka Hormarinta Kaluumaysiga
Shirkaan ayaa diirada lagu saari doona Xoojinta Wadashaqaynta Wasaaradaha Kaluumaysiga, Guulaha la gaaray Sanadihii la soo dhaafay, Caqabadaha Jira iyo Qorshiyaasha Hormarinta Kaluumaysiga.
Munaasabada Furitaanka Shirka Waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Maxamed Nuur Maxamed, Wasiirada Kaluumaysiga Labada Heer Dowladeed, Goliyaasha Dowladda Koonfur Galbeed iyo Marti Sharaf kale.








