Home WARARKA MAANTA Wasiirka Awqaafta XFS oo Safiirka Norway ka hadlay Dagaalka Afkaaraha ee...

Wasiirka Awqaafta XFS oo Safiirka Norway ka hadlay Dagaalka Afkaaraha ee Xagjirnimada

84
0

Arbaco, 26 Feb, 2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay ergeyga gaarka ee dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Mr. Einar Rystad, iyo Safiirka Norway u fadhiya Muqdisho, Mr. Carsten Carlsen.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dardar-gelinta howlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ciidamada si looga badbaadiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee soo koraya.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu bogaadiyay horumarka ay dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka seddex-geesoodka ah ee ay kula jirto Khawaarijta, oo ay ka mid yihiin dhinacyada militariga, dhaqaalaha, iyo tiirka fikirka (Ideological Pillar), oo ay hoggaamiso Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here