Isniin 3, March 2025 {CBB}Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah ay kulan ku leh Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Isniin ah in uu jiro kulanka, islamarkaana uu hayo mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanada.
Mooshin culus ee loo gudbiyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka, islamarkaana maanta ay markale ka doodi doonaan xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay xaaladda cusub ee kasoo korortyay xiisadda dhexeysa dowladda iyo Jubbaland.
Mooshinkan ayaa daba socda xildhibaannadii maalmo ka hor lagu xayiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeday dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose
Kulanka golaha Shacabka ayaa ku soo aadaya xili Dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la ogaaday inay u safrayeen magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagan safarkaasi.







