Home WARARKA MAANTA Duqa Garoowe “Sharciga ayaa la horgeynayaa Ninkii xirnaa dharka ciidanka ee dhibaateeyay...

Duqa Garoowe “Sharciga ayaa la horgeynayaa Ninkii xirnaa dharka ciidanka ee dhibaateeyay Maxamed Yare”

20
0

Arbaco 12 ,March 2025 {CBB}Duqa Magaalada Magaalada Garoowe Cabdulqaadir Maxamed Geedi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maxkamad lasoo taagayo Askari ku labisan dharka Ciidanka oo bartamaha Magaaladaas ku garaacay Maxamed Yare oo u dhashay Dalka Yemen.

Waxa uu sheegay in aanay loo dulqaadan karin dhibaatada uu geystay askarigaas oo fariin qaldan ka tarjumeysa Ciidamada Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Magaalada Garoowe oo ay ku nool yihiin Ajaanib kala duwan sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan caawa wakhti la qaatay Maxamed Yare iyo waalidkiis, waxaan la wadaagnay dareenkayaga iyo sida aan uga damqanay falkii maanta uu kula kacay waardiye xarun ganacsi, nasiib wanaag falkaasi degdeg ayaa Dowladda uga jawaabtay waana la xiray oo Sharciga ayaa la horgeyn doonnaa ninkaasi xirnaa dharka Ciidanka balse aan aheyn Askari Sharciyeysan. Waxaana qorsheynaynaa hadda kadib dadka noocaasi ah loo sameeyo dhar u gaar ah iyo habraac ay xarumaha Ganacsiga kula shaqeeyaan Dowladda Hoose” Duqa Garoowe, Cabdulqaadir Maxamuud Geedi

“Waxaan si buuxda u kafaalo qaadnay nolasha iyo deegaanka Maxamed yare, anagoo garab istaagi doona oo si dhow uga war haynaynaa xaaladiisa. Dadweynaha Puntland iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee nalaso xiriirayna waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga falceliyeen arrintan.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Duqa Garoowe.

Aabaha dhalay Maxamed oo lagu magacaabo Caadil Xuseen Saalixi ayaa dhankiisa dalbaday in uu rajeynayo in xalka uu kusoo dhammaado Maxkamad maadaama wiilkiisa uu dhibanne u yahay kuna hor garaacay Bulshada horteeda sida uu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here