Home WARARKA MAANTA Shabaabkii kusoo jabay Gobolada Dhexe oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay gobolada Baay iyo Bokool.

Shabaabkii kusoo jabay Gobolada Dhexe oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay gobolada Baay iyo Bokool.

76
0

Khamiis 27, March 2025 {CBB}Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Xasan Baidoa ayaa mar uu la hadlayay warbaahinta waxaa qirey in laga adkaaday kooxda Al-Shabaab.

Taliye Baydhabo ayaa ka dhawaajiyey in culeysyada ay kooxda Shabaab kala soo kulantay gobolada ay ka socdaan dagaalka Xoogan ee ka dhanka ah kadib ay bilowday iney dhaq dhaqaaq ka bilaaban Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa tilmaamay gobolada Baay iyo Bakool iney yihiin meela ay kooxda isku abaabuleyso waxaa uuna sheegay in ka talis ahaan ay ka warhaayaa waxa dhacaya ayna qaadi doonaan talaabo Deg-Deg ah.

Gabagabadii Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay Deegaanada Koonfur Galbeed Xasan Baydhabo ayaa ka hadlay dagaalada balaaran ee ka soconaya Gobolada Dalka oo dhan kuwaasi oo ka dhan ah AS.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo beegmaya xili kooxda Al-Shabaab ay jab Xoogan kala soo kulantay Gobolada Hirshabeele iyo Galmudug.

Koonfur Galbeed ayaa iyaduna waxaa ay sheegtay iney xoojin doonto dagaalka ka dhanka AS ayna ka hor tagi doonto dhaqdhaqaaq walba ay wado Kooxda Al-Shabaab.

 

Qorac:- Maxamed Ali Baaqow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here