Home WARARKA CAALAMKA Shiinaha oo dalal ay Soomaaliya ku jirto ka caawinayo gar gaar uu...

Shiinaha oo dalal ay Soomaaliya ku jirto ka caawinayo gar gaar uu Mareeykanku ka jartay

74
0
Xi Jinping, General Secretary of the Chinese Communist Party arrives for dinner at the Elysee Palace in Paris, France on 6th May, 2024. (Photo by Daniel Dorko / Hans Lucas / Hans Lucas via AFP) (Photo by DANIEL DORKO/Hans Lucas/AFP via Getty Images)

Khamiis 27, March 2025 {CBB} Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu joojiyay taageeradii iyo deeqihii ay bixin jirtay dowladda Mareykanka, gara ahaan kaalmadii la marsiin jiray hay’adda USAID oo dalal badan oo caalamka kuyaalla taageeri jirtay.

Dowladda Shiinaha, ayaa hadda iskudayaya inuu Mareykanka kala wareego saameynta dhaqaale iyo gargaarka bani’aadanimo oo la aaminsanyahay inay tahay waxa dhaliyay saameynta uu Mareykanka ku leeyahay dunidda daafaheeda.

Shiinaha ayaa diyaar u ah inuu beddelo aragtidaa, wuxuuna buuxinaya goobaha ay ka baxday hay’adda Mareykanka ee USAID , taa beddelkeeda Shiinaha ayaa bixinaya adeegyada gargaar iyo taageerrada dhaqaale ee ay dalalka siin jirtay USAID.

Dowladda Shiinaha, hadda wuxuu diiradda saaraya inuu ku hormaro dalalka Aasiya ee mashaariicda ay ka fulin jirtay USAID, waxaana dalalka lagu wargeliyay inay hay’adda gargaarka caalamiga ah ee Shiinaha (CIDCA),maalgelin doonto barnaamijyadii ay waday USAID ee maamulka Trump uu laalay, sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg.

Soomaaliya , ayaa kamid ah dalalka ay saameynta ku yeelatay joojintii Madaxweyne Trump hay’adda USAID, waxaana la filayaa in dowladda Shiinaha buuxin doonto taageeradii Soomaaliya siin jiray Mareykanka, gaar ahaan dhinaca gargaarka bini’aadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here