Home WARARKA MAANTA Deeq Dhar Ciid iyo Agab Kale Oo La Gaarsiiyay Qaar ka mid...

Deeq Dhar Ciid iyo Agab Kale Oo La Gaarsiiyay Qaar ka mid ah Haweenka  Baydhabo.

56
0

Jimco 28, March-2025 {CBB} –Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ugu qeybisay dhar ciid iyo agab u gaar ah haweenka, iyada oo ka faa’iideysteen ku dhawaad 70 haween ah.

Ugu horeyn, haweenkii ka faa’iideystay deeqdan ayaa ka hadlay, iyaga oo muujiyey farxadooda iyo mahadcelin ay u jeediyeen Wasaaradda Haweenka ee Koonfur Galbeed.

Qaar ka mid ah haweenka ka faa’iideystay deeqda ayaa sheegay in dhar iyo agabka la siiyay ay ku tahay taageero muhiim ah, gaar ahaan xilligan ciidda, iyaga oo ka mahadceliyey dadaalka Wasaaradda ee lagu xoojinayo doorka haweenka ee bulshada.

 

Ugu dambeyn, Maryan Sheekh Ibraahim, Agaasimaha Waaxda Tacdiyada iyo Jinsiga ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa warbaahinta kula hadashay munaasabadda kadib. Waxay sheegtay in deeqdan ay qayb ka tahay mashaariicda wasaaradda ee lagu taageerayo haweenka, iyadoo xustay in ay sii wadayaan dadaalada lagu horumarinayo xuquuqda haweenka iyo ka qayb galka bulshada ee dhinacyada kala duwan.

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa horey u fulisay mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo nolosha haweenka, iyada oo dadaal ugu jirta in ay xoojiso doorka haweenka ee horumarka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here