Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Maamulka Shabeellaha Hoose oo Bilaabay Abaabul Dagaal oo ka Dhan ah Al-Shabaab.

Sawiro;-Maamulka Shabeellaha Hoose oo Bilaabay Abaabul Dagaal oo ka Dhan ah Al-Shabaab.

77
0

Khamiis 03, April-2025 {CBB}Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Degmada Afgooye ka bilaabay abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo ku howlan qorshe ballaaran oo lagu xoreynayo deegaanada weli gacanta ugu jira dagaalyahanada kooxdaas.

Guddoomiye ku-xigeenka qorsheynta Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Bashiir Maxamed Yuusuf, iyo Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed, G/sare Cabdi Ibraahim Shaamow (Abdi Dheere), ayaa booqday degmada Afgooye si ay u dardargeliyaan abaabulka dagaalka. Mas’uuliyiintan ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha amniga, maamulka degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si loo xoojiyo iskaashiga ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulamadaan oo ay qeyb ka ahaayeen Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Afgooye, Mudane Mahdi Axmed Xasan, iyo Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada, X/le Maxamed Cali Maxamed, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaalada Afgooye iyo guud ahaan Shabeellaha Hoose. Mas’uuliyiintu waxay kormeer ku tageen xarumaha ciidamada si ay ugu dhiirrigeliyaan dadaallada ay wadaan ee dib u xoreynta ah.

Guddoomiye Bashiir Gaab ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), uu amar ku bixiyay in maamulka iyo shacabka Shabeellaha Hoose ay kaalintooda ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,

Sidoo kale, wuxuu xusay in dadaalkan uu qeyb ka yahay qorshaha guud ee dowladda Koonfur Galbeed ay ku doonayso in ay kaga xoreyso Al-Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Baay, Bakool, iyo Shabeellaha Hoose. Waxaa la filayaa in ciidamada huwanta ah ee dowladda, kuwa Koonfur Galbeed, iyo ciidamada deegaanka ay dhaqso u guda galaan howlgal ballaaran oo lagu beegsanayo xarumaha ay kooxda Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka.

Dhanka kale, shacabka ku nool Afgooye iyo deegaanada ku dhow ayaa lagu booriyay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, iyagoo si dhow ula wadaagaya xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab. Mas’uuliyiintu waxay caddeeyeen in cid kasta oo gacan siisa kooxaha argagixisada laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed, taasoo keentay in maamulka uu qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagula dagaallamayo kooxdaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here