Home WARARKA MAANTA Imaaraadka oo oo duqeymo culus ku garaacay togga Miraale.

Imaaraadka oo oo duqeymo culus ku garaacay togga Miraale.

3
0

Axad, Abriil 06, 2025;{CBB}  Duqeymo culus ayaa xalay ka dhacay togga Miraale ee buuraha Calmiskaad, halkaas oo lagu beegsadaday mileeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oi ku dhuumanayay godad halkaasi ku yaalla.

Sida aan wararka ku helnay laba kooxood oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish oo habeenimadii godadka ka soo baxay, si ay dhaq dhaqaaq u sameeyaan, maadaama aysan maalintii madaxa dhaqaajin karin sababo la xiriira duqeymaha ku socda ayaa xalay lala helay laba duqeymood, oo ay saaxiibada Caalamiga ah ka fuliyeen Miraale.

Ciidanka difaaca Puntland war kasoo baxay ayaa lafu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay fulisay labada duqeymood ee xalay ka dhacay Miraale, kuwaasi oo lagu dilay xubno ka tirsan firxadka argagixisada Daacish, waxaana bayaanka lagu yiri”duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka Carabta.”

Kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, ayaa wajahaya xaalad adag, waxa ayna la kulmayaan weeraro cir iyo dhul ah, waxaana kooxdaasi laga dilay xubno badan ay ku jiraan saraakiil ajaaniib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here