Isniin, Abriil 07, 2025;{CBB} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa dadka deegaanka, ayaa lagu soo waramayaa in saakay howlgal ka fuliyeen gudaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay joogeen Al Shabaab.
War lagu baahiyay telefishinka Qaranka Soomaaliya ee SNTV , ayaa lagu sheegay ciidanka xoogga dalka saakay howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyeen gudaha degmada Ruun-Nirgood , halkaas oo xarumo ku lahaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab.
”Ciidamada xoogga , oo kaashanaya kuwa deegaanka, ayaa saaka aroortii hore bilaabay howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta, kuwaas oo hadda firxadkooda la dabajoogo” ayaa lagu yiri warka lagu baahiyay Tv-ga dowladda.
Ciidanka xoogag dalka iyo kuwa dadka deegaanka ,ayaa horey uga soo baxay degmada Ruun-nirgood iyo deegaanno kale oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo ay dib ula wareegeen kooxda Al Shabaab oo mar kale dib isku soo abaabushay.
Howlgalkan saakay ciidanka dowladda ka fuliyeen degmada Ruun-nirgood, ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan abaabul dagaal oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku doonayaan in mar kale Al Shabaab gabi ahaan uga saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe.