Home WARARKA MAANTA DED-DEG: Dagaal Culus oo ka socda Deegaanka Aboorey

DED-DEG: Dagaal Culus oo ka socda Deegaanka Aboorey

5
0

Talaado, 08 Abriil 2025 {CBB} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa dib ula wareegey deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, oo ay maalinimadii shalay qabsadeen Xubno katirsan kooxda AS.

Wararka laga helaayo heegaanka Abooreey ayaa sheegaya in weerar dhowr jiho ah ay ku qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka ay dib ugu saareen kooxda AS.

Shalay ayeey aheed markii xubno katirsan kooxda AS gudaha ugaleen deegaankaa abooreey ee hoostaga degmada buula-burde.

Wali lama xaqiijin qasaraha ka dhashay dagaalka qarar ee saaka dib looga saaray kooxda AS deegaanka Aboorey.

Aboorey ayaa kamid aheed Deeganadii la xureeyay wajiga koobaad ee dagaalka lagula jiro kooxda AS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here