Arbaco, 09, April 2025 {CBB} Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa saaka la wareegay deegaanka Geel gub ee gobolka Shabeelada Dhexe, kadib dagaal culus oo weli halkaasi ka socda, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Ciidamada ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda AS oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Geel-gub si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah.
Hawlgalka ayaa weli ka socda duleedka deegaankaas, waxaana wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab.
Gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.