Arbaco, 09, April 2025 {CBB} Dalalka Aljeeriya iyo Soomaaliya ayaa codsaday fadhi deg deg ah oo ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay kaga arrinsanayaan dhibaatada ka dhalan karta weerarrada Israa’iil ay ka geesanayso Suuriya.
Kooxda A3+ ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (Algeria, Sierra Leone, iyo Somalia), oo ay weheliso Jamhuuriyadda Guyana, waxay ku celiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay u taageerayaan midnimada Suuriya, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya.
Wadamadaan ayaa horey ugu baaqay in aan la faragelin arrimaha gudaha ee dalka Suuriya iyo in si degdeg ah looga qaado cunaqabataynta saaran.
Hadal uu jeediyay Ergayga Joogtada ah ee Aljeeriya u jooga Qaramadda Midoobay, Amar Benjamaa, oo ku hadlaya magaca wadamadaan, mar uu ka hadlayay Warbixin ku saabsan Suuriya, ayuu ku nuux-nuuxsaday in waxa uga sii daraya Caqabadaha Ammaanka ay yihiin Duqeymaha joogtada ah ee Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ay ku hayaan Goobaha Milliteri ee dhulka Suuriya.