Home WARARKA CAALAMKA Maxaa ka jira in xaaska Obama ay furriin dalbatay?

Maxaa ka jira in xaaska Obama ay furriin dalbatay?

4
0

Jimco  11, April-2025 {CBB} – Michelle Obama ayaa ka hadashay wararka xanta ah ee sheegaya in ay dhib ku qabto xidhiidhkeeda guurka ee iyada iyo Barack Obama.

Marwadii hore ee Maraykanka ayaan ka soo muuqan munaasabado muhiim ah oo dhowr ah oo uu ka qayb galay Barack Obama, kuwaasi oo ay ka mid yihiin caleemo-saarkii Donald Trump iyo aaska madaxweynihii hore Jimmy Carter. Arrimahaasi ayaa sii xoojiyay tuhun ku saabsan kala tagga Michelle iyo Barack Obama.

Inkasta oo aanay si toos ah u xusin arrimahaasi, haddan Michelle Obama ayaa u sheegtay barnaamijka Work in Progress oo ay daadihiso jilaaga Sophia Bush, in ay hadda leedahay awood ay ku qorshayso jadwalkeeda islamarkaana ku si madaxbannaan ugu maamulan karo arrimaheeda maadaama ay tahay “haweenay da’ weyn”.

Waxay ay sheegtay in dadku aanay rumaysan karin in iyadu go’aankaas gaadhay, taasi beddelkeedana waxay sheegtay in u maleeyaan in iyada iyo ninkeeda ay is furayaan.

Lammaanayaashan ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii hore u dabbal-degay sannad-guurada 32-aad ee guurkooda.

Michelle Obama waxay hore uga hadashay caqabadihii ay kala kulantay guurkeeda iyo sidii hamiga siyaasadeed ee Obama uu u saameeyay iyo waqtigii ay ku qaateen Aqalka Cad, sida ay ku soo bandhigtay buuggeeda caanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here