Jimco 11, April-2025 {CBB} –Shir jara’id oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay magaalada Baydhabo ku qabtay Agaasimaha waaxda caafimaadka iyo fayadhowrka ee degmada Baydhabo Abshir Cali Xuseen ayaa digniino kasoo saaray Roobka Gu’ga ee bilowday.
Ugu horeyntii agaasime Abshir ayaa ka hadlay dabaylaha maalmahan waxyeeladooda laga dareemay gudaha magaalada Baydhabo ka hor Roobka.
Bulshada ku dhaqan degmada Baydhabo ayuu agaasimuhu u sheegay in muujiyaan feejignaan dheeri maadaama laga cabsi qabo iney yimaadaan robab dabayla wato.
Sidoo kale agaasimaha waaxda caafimaadka iyo fayadhowrka ee degmada Baydhabo Abshir Cali Xuseen ayaa amray in talaabo kaga qaadi doono dadka markii uu roobku yimaado Qashinka kusoo daadiya Wadooyinka iyo meelaha biyo-mareenka ah.
Gabagabadii agaasimaha waaxda caafimaadka iyo fayadhowrka degmada Baydhabo ayaa sheegay iney muhiim tahay in la ilaaliyo bilicda iyo nadaafada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.







