Home WARARKA MAANTA Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay geerida Jeneral Sheegow.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay geerida Jeneral Sheegow.

13
0

Sabti 12, April-2025 {CBB} – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow, ayaa faahfaahin ka bixiyey geeridii ku timid Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo dhawaan ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Liibaan oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlay daruufahii ku gedaannaa geerida Sheegow, ayaa sheegay in marxuumku uu u geeriyoodey cudurka Kansar Beerka oo uu in muddo ah la ildarnaa.

Liiban Gali Yarow ayaa dhanka kale meesha ka saaray eedo lagu faafiyey baraha bulshada oo tibaaxayey in marxuumku uu sababsaday dayacaad, maadaama uu ahaa maxbuus u xiran dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyahu wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay xil weyn iska saartay sidii Sheegow Axmed Cali uu u heli lahaa daryeel caafimaad, islamarkaana hay’adaha kala duwan ee dowladdu ay u dadaaleen. Wuxuuna intaas ku daray in marxuumka wakhtigiisi dhammaaday xilli loo diyaariyey adeeggii socdaalka ee loogu qaadi lahaa dalka Hindiya.

Sheegow Axmed Cali oo ahaa sarkaal hora uga tirsanaa militariga Soomaaliya, ayaa 2-dii Nefember 2023 waxay maxkamadda ciidan ku xukuntay 10 sano oo xarig ah, ka dib markii lagi helay dambiyo lagu soo oogey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here