Sabti 12, April-2025 {CBB} –Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Amb. Andrii Sybiha, iyaga oo ku dhawaaqay in dib loo soo celiyay xiriirka diblumaasiyeed ee Soomaaliya iyo Ukraine.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay saxiixeen hab-maamuus lagu dhisayo xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Ukraine, taasoo ka tarjumaysa sida ay uga go’an tahay sii xoojinta wada shaqeynta iyo isfahamka labada dhinac.
Labada wasiir waxay yeesheen wadahadal wax ku ool ah oo ku saabsan kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah iyo sahminta fursadaha iskaashiga dhinacyada kala duwan ee faa’iidada u leh labada waddan.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.
Dhankiisa Wasiirka Arrimaha dibadda Ukraine ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xoojinta xiriirka labada dal, iyaga oo qadarinaynaa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.







