Home WARARKA MAANTA Dab Xoogan oo ka kacay gudaha xarunta madaxtooyada Dalka Sierra Leone.

Dab Xoogan oo ka kacay gudaha xarunta madaxtooyada Dalka Sierra Leone.

3
0

Axad 13, April-2025 {CBB} – Dab ayaa ka kacay Sabtidii gudaha xarunta madaxtooyada Sierra Leone ee ku taalla bartamaha magaalada Freetown, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo dowladda. Madaxweynaha Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaan ku sugneyn dhismaha xilliga uu dabku kacay.

Sarkaal sare oo ka tirsan adeegga dab-damiska ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in dabka la xakameeyay kadib shan saacadood oo ay ciidamada dab-damiska si adag ugu howlnaayeen damintiisa.

Dabku ma geysan wax khasaare nafeed ah, balse wuxuu baabi’iyay dokumentiyo muhiim ah iyo qalab xafiiseed, sida uu sheegay sarkaalku.

Bayaan hore ee kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in dabku ka kacay dabaqa saddexaad iyo kan afraad ee dhismaha State House, halka xafiiska madaxweynaha ee ku yaalla dabaqa labaad uu ka badbaaday waxyeello.

Sababta dabka dhalisay, oo billowday abaare 4:00 galabnimo (1600 GMT), weli lama xaqiijin, sida lagu sheegay bayaanka dowladda.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holac iyo qiiq madow oo ka baxaya daaqadaha sare ee dhismaha weyn ee caddaanka ah.

Mohamed Kamara, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa u sheegay AFP: “Fiidkii maanta waxaan aragnay qiiq iyo dab xooggan oo ka baxaya daaqadaha iyo dabaqa ugu sareeya ee dhismaha.”

Booliiska ayaa xiray waddooyinka ku xeeran xarunta, iyadoo ciidamo amni iyo askar milatari ahna la geeyay goobta si loo sugo ammaanka.

Madaxweyne Bio ayaa haatan ku sugan dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qayb galayo shir caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here