Isniin 14, April 2025 {CBB} Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah Soomaaliya.
Trump ayaa hadal qoraal ah uu soo saaray , wuxuu ku sheegay inuu maamulkiisa ka taageerri doono Soomaaliya , sidii loo ciribtiri lahaa argagixisada iyo sidii ay barwaaqo u gaari lahaayeen dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Trump inay kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo kamid ah dalka Yemen , saraakiishooda iyo xubnaha dagaalyahannadooda iskudayayaan inay gudaha u galaan Soomaaliya, si ay uga geestaan dhibaatooyin argagaxiso.
“ Soomaaliya waxaan ka taageereynaa ciribtirka argagaxisada. Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay ha u ogolaanina Xuutiyiinta in ay soo dhex galaan oo ay ku dhex dhuuntaan dalkiinna.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Dowladda Mareykanka , ayaa Soomaaliya si weyn uga taageerta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada Mareykanka duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacaan goobaha ay joogaan kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.