Home WARARKA MAANTA Dagaalka ka dhacay duleedka Baydhabo iyo khasaaraha ka dhashay

Dagaalka ka dhacay duleedka Baydhabo iyo khasaaraha ka dhashay

96
0

Khamiis 17, April, 2025 {CBB}Degaal manta ka dhacay duleedka  magaalada Baydhabo  ayaa waxaa ay Wararku sheegayaan in arornimadii saakay uu dagaal ka dhacay aaga Deynuunay oo maalmahaan ay ka jireen dhadhaqaaqyo ciidan.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday deegaanka Burjeed ee gobolka Baay, oo halkaasi ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Daraawiishta ee Koofur Galbeed.

 

 

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lasoo wariyay inay guuloka gaareen ciidamada Daraawiishta kgs waxaana la jabiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Ku dhowaad  27  Shabaab ah ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana jira khasaare kale oo dhaawacyo oo la gaarsiiyay Shabaabkii weerarka soo qaaday, sida ay sheegeen laamaha amniga Koonfur Galbeed dhinaca kale Ciidamada Dowlada ayaa Waxaa Soo gaaray Khasaare dhimisho iyo dhaawac leh .

Maydadka xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay aagga deegaanka Daynuunay ayaa la keeyay gudaha magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla magaalada  oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here