Sabtii , 19 Abriil 2025 {CBB}adhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday, ka dib markii uu hareeyay buuq xooggan oo ay sameeyeen qaar kamid ah xildhibaannada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in fadhiga uu si rasmi ah u xirmay, maadaama aan la sii wadi karin kulanka sababo la xiriira buuqa iyo muranka hareeyay madasha.
Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah Guddoonka Golaha. Waxaa hareeyay dood adag oo u dhexeysay xildhibaanno taageersan Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib iyo Guddoonka Dooddaasi ayaa sii hurisay qeylada golaha.
Illaa hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee dib loogu yeeri doono kulanka Baarlamaanka.







