Sabti, 26 Abriil, 2025 {CBB}Tiro Hoobiyaal ah oo xalay lagu garaacay Xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Guri ku yaala agagaarka garoonka Diyaaraddaha magaalada Baydhabo oo ay ku noolaayeen hooyo iyo caruurteed ayaa ku dhacay mid ka mid ah Hoobiyaalka Adaanka Salaada Subax lagu garaacay Baydhabo.
Hooyada Qoyska iyo wiil yar oo ay dhashay ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmey 4 Caruurteeda ka mid ahaa kuwaasi oo xaalada caafimaad lagula tacaalayo Isbitaal weynaha Baydhabo.
Goobjoogiyaal iyo qaar ka mid ah Ehelka Dadka dhintay ayaa ka hadlaya waxa dhacay iyo sida ay uga naxeen musiibadan ku habsatay gurigan oo ka maqnaa Aabaha Qoyska.
Labo ka mid ah Hoobiyaalkaas laga soo tuurey Banaanka Baydhabo ayaa la rumeysan yahay iney ku dhaceen gudaha Garoonka Diyaaradaha Baydhabo waloow aan si madaxbanaan loo xaqiin jirin iyo khasaaraha ka dhashay intaba.
Falalka noocaan oo kale ayaa horey loogu baratay maleeshiyada Al-Shabaab waxayna tan imaanaysaa iyadoo dhowaan kooxda Jab culus lagu gaarsiisey weerar ka dhacay duleedka Baydhabo.








