Arbaco 30, April 2025 {CBB} Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in magaaladaasi maalmihii ladsoo dhaafay ay gaareen boqolaal muhaajiriin Itoobiyaan ah, kuwaa oo la sheegay in badankood ay doonayaan in Yemen uga sii gudbaan Boosaaso.
Maalmihii l;asoo dhaafay waxaa si weyn u kordhay qulqulka muhaajiriinta Itoobiyaanka ah gaar ahaan kuwa Oromada ah ee gaaraya magaalada Boosaaso, waxaana qeybo kamid ah magaalada laga dareemay imaanshaha dadkan cusub ee Itoobiyaanka ah.
Tan iyo bilowgii todobaadkan waxaa laamiga dheer ee u dhaxeeya magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso lagu arkaya boqollaal soogalooti u dhashay dalka Itoobiya, kuwaa oo iyaga oo lugeenaya tagayay magaalada Boosaaso oo ah halka ay joogaan Itoobiyaanka ugu badan ee Puntland kunool.
Intii uu socday dagaalka Calmiskaad, Puntland ayaa laba jeer raaftay boqollaal Soogalootigii u dhashay Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada, kaddib markii ay soo baxday xog amni oo xaqiijinaysa in ay Daacish ku biireen qaar badan oo kamid ah Soogalootigaasi.
Qulqulka Itoobiyaanka soo galaya deegaannada Puntland, ayaa kusoo aadaya xilli Puntland horey goáanno adag uga soo saartay ajaaniibta imaaneysa deegaannada Puntland ay ugu horreeyaan kuwa Itoobiyaanka, mana jirto tallaabo ay ilaa hadda qaadeen laamaha amniga oo la xariira imaanshaha Itoobiyaanka cudsub.







