Home WARARKA MAANTA Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo ku wajahan magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo ku wajahan magaalada Muqdisho.

67
0

Sabti 03, May 2025 {CBB} – Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo
Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ah kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana haatan soconayo qaban qaabo wayn loogu jiro soo dhaweyntiisa.

Firdhiye ayaa magaalada Muqdisho u imaanayo ka qayb-galka Shirka Golaha Wadatashiga
Qaranka oo uu ka casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo Villa Soomaaliya ka dhacayo shanta bishaan May ee sanadkan 2025.

SSC-Khaatumo oo xaqiijisay safarka madaxweyne Firdhiye ayaa dalbatay in laga qayb-qaato soo dhaweyntiisa, iyada oo sheegtay inuu u taagan yahay wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta madaxweynaha cid kasta oo ummadda Soomaaliyeed oo jecel wadajirka iyo
midnimada dalka ee fursad noo heli karto way nagala qayb qaadan kartaa soo dhaweynta
madaxweynaha. Waxaan u cadeyneynaa in maanta oo Sabti ah uu Firdhire ka dagayo magaalada Muqdisho” ayay tiri Fahiimo Yuusuf Qooje oo ah gabar si weyn ugu dhaq-dhaqaaqda horumarka maamulka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo dhabaha cusub ee u furmay labada dhinac, gaar ahaan wadashaqeynta SSC iyo dowladda dhexe.

Shirka loo ballansan yahay oo ay ka qayb-geli doonaan madaxda Maamul-goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha doorashooyinka ee 2026

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here