Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Lafta gareen oo maanta tagay furimaha dagaalka

Madaxweyne Lafta gareen oo maanta tagay furimaha dagaalka

93
0

Axad 04, May 2025 {CBB}Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka si uu ugu dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida ee halkaasi ku sugan dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka ciidamada, isagoo warbixin ka dhageystay xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka, iyo caqabadaha jira, isagoo uga mahadceliyay Ciidamada geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.
Booqashada Madaxweyne Laftagareen ee Furimaha Dagaalka ayaa ah mid niyad-dhis ah oo muujineysa sida ay Dowladda Koonfur Galbeed uga go’an tahay Difaaca Dalka iyo Daryeelka Ciidamada Naftooda uhurey Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here