Home WARARKA CAALAMKA Israa’iil oo ballaarineyso howlgalkeeda milatari ee Qasa

Israa’iil oo ballaarineyso howlgalkeeda milatari ee Qasa

92
0

Isniin 05, May 2025 {CBB}Warbaahinta Israa’iil ayaa ku soo warramaysa in golaha ammaanka ee dalkaasi ay si aqlabiyad ah ku ansixiyeen qorshe lagu ballaarinayo howlgalka militari ee ay ka wadaan Qasa.

Ha yeeshee wararka ayaa sheegaya, in qorshahaas la wado la dhaqan gelin doono ka dib booqashada Donald Trump ee gobolka toddobaadka soo socda.

Milateriga Israa’iil ayaa u yeeray tobanaan kun oo kamid ah ciidamada kaydka ah, si ay ugu qeyb qaataan howlgallada milaytari.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale ku soo warramaya, in golaha wasiirradu ay ansixiyeen qorshe dib loogu bilaabayo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee Qasa, iyadoo la sii marinayo sanduuq caalami ah iyo shirkado gaar loo leeyahay.

Xigasho:-BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here