Isniin 8 July 2024 {CBB}Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan looga hadlay Amniga Caasimadda gaar ahaan Degmada Kaaraan ayaa bogaadiyay Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ee mas’uuliyadda gaarka ah iska saaray adkeynta nabadgalyada Degmadaas.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo Warbaahinta la hadlay kaddib markii uu kulankooda soo idlaaday ayaa sheegay in isbaddel muuqda oo dhanka Nabadgalyada ah uu ka jiro Kaaraan.
Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay mas’uuliyad weyn iska saareen sidii Degmada Kaaraan ee Waqooyi Magaalada Muqdisho looga dhigi lahaa meel ka caaggan Burcadda, Dhalinyarada loo yaqaan Ciyaal-weerada & falalkii kale ee ka dhici jiray.
“Guud ahaan Amniga Caasimadda maalinba maalinta ka dambeysa wuu soo hagaagayaa, Kaaraan waxa ay ahayd meel lagu tilmaamo in uu xoogaa dhinaca qalqalka dhinaca amniga mararka qaar uu ka jiro haddii ay ahaan lahayd Ciyaalka weerada, Askarta qoryaha iska wadato & Dad laga yaabo in ay Shacab yihiin balse iska hubeysan waana laga guulaystay xaqiiqatan, waxa aan rabnaa in meeshaas & meel ka fiican lagu hayo” Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulamada looga hadlayo Amniga Magaalada Muqdisho ayuu Maamulka Gobolka oo kaashanaya Saraakiisha dhinaca Nabadgalyada qaabilsan ku qabtaa Degmooyinka kala duwan waxaana lagu dhagaystaa xubno kamid ah Bulshada ku sugan Degmooyinkaas.