Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Gudiga Shaqaalaha Rayidka Koonfur Galbeed oo kormeerey wasaaraddo

Sawiro;-Gudiga Shaqaalaha Rayidka Koonfur Galbeed oo kormeerey wasaaraddo

45
0

Arbaco 21, May 2025 {CBB}Gudiga shaqaalaha Rayidka Koonfur Galbeed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Sadax wasaaradood oo ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda Koonfur Galbeed somaliya, Kormeerkan ayaa waxaa hogaaminaayey gudoomiye ku xigeenka gudiga shaqaalaha rayidka Koonfur Galbeed waxaana wehlinaayey agaasimaha Waxda siyaasada Qorsheynta iyo qaar kamid ah xubnaha gudiga.

Gudigan ayaa waxaa ay kormeer ku tageen Wasaarada Arimaha Dasturka, Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Wasaarada Tamarta.
Kormeerka gudiga ayaa waxa uu ahaa ujeedkiisa in indha indhayn lagu sameeyo qaabka shaqada wasaaradaha ay usocdaan iyo la xisaabtanka shaqaalaha wasaaradahaasi.

Gudiga ayaa waxaa ay warbixino ka dhageysteen masuuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi waxaana ay ku amaaneen sida wanaagsan ee ay bulshada reer KGS ugu adeegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here