Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Maamulka Degmada Wanlaweyn Ayaa Amar Dul Dhigay Shacabka Ku Nool Degmada

Sawiro;-Maamulka Degmada Wanlaweyn Ayaa Amar Dul Dhigay Shacabka Ku Nool Degmada

48
0
Khamiis, 22, May 2025 {CBB} Waxaan maanta xarunta degmada wanlaweyn shir deg deg ah isugu yimid maamulka degmada iyo laamaha amniga.
Shirkaas waxa shir gudoominayay gudoomiyaha degmada wanlaweyn ahna duqa magaalada Mudane Abdulkadir mohamed Abdullahi.
Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadley xaalada amni iyo hormarka degmada wanlaweyn.
kulanka inta uu socdey ayaa waxaa la isla gartey qodob dhowr ah sida uu sheegey gudoomiyaha degmada waxaana kamid ah :-

1-In ay mamnuuc tahay askariga inuu ka tago libiska ciidanka astaanta u ah.

2-In askari qalabeysan lagu arki karin gudaha magaalada Wanlaweyn.

3-In leerarka ama nalalka xaafadaha iyo goobaha ganacsiga aan la damin karin xiliga habeenkii ah.

gudoomiyaha Abdulkadir mohamed Abdullahi ayaa sheegey in cidii aan u hogaansamin amarada ay la kulmi doonto ciqaab sharci.

May be an image of 3 people and people studying

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here