Home WARARKA MAANTA Puntland oo Sheegtay in Hogaanka SSC Khatumo lagu aaminikarin Waxbarashada ardayda SSC.

Puntland oo Sheegtay in Hogaanka SSC Khatumo lagu aaminikarin Waxbarashada ardayda SSC.

77
0

Sabti 24, May 2025 {CBB} Ilyaas Cismaan Lugatoor Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in aysan ka aamusi karin sida uu sheegay gaabka waxbarasho ee ay wajahayaan ardayda ku nool degaanada SSC Khaatumo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay, in saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ardayda ku nool gobollada Sool iyo Cayn la kulmayeen dib u dhac waxbarasho, kaddib markii maamulka SSC Khaatumo uu waxbarashada deegaanadiisa hoos geeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilyaas Lugatoor ayaa ku eedeeyay hoggaanka maamulka SSC Khaatumo inuu ku mashquulay u durbaan garaacista madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo xisbigiisa Xamar.

“Haggaanka SSC Khaatumo Laguma aamini karo waxbarashada, hadddana waxay Ku mashquuleen durbaanka Hasan Shiikh “ayuu yiri Madaxwayne ku xigeenka Puntland

Lugatoor wuxuu sheegay in waxbarashada Taleex iyo Buuhoodle ay u hayaan lacag dhan 10 milyan oo Dollar. Waxa uu ka digay in la siyaasadeeyo waxbarashada, isagoo sheegay inay muddo ka aamusnaayeen arrimaha deegaanada SSC.

Warka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku soo beegmay, iyadoo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wargalisay maamulka SSC in aysan wax qarash ah u haynin qarashaadka ku baxaya imtixaanka shahaadiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here