Isniin, 26 May 2025 {CBB} Yuusuf Abduqaadir Mohamed iyo Mohamed Abdirahmaan, oo kamid ah xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, ayaa maanta si rasmi ah u soo gaaray magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay. Socdaalkan ayaa muhiimad gaar ah u leh dardargelinta howlaha doorashada, gaar ahaan diyaarinta iyo bilaabista diiwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo ah tallaabo lama huraan u ah hirgelinta doorashada qof iyo cod ah ee heer federaal.
Xubnahan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud, iyadoo ay halkaas ku qaabileen Guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo, xubno ka socda xafiiska guddiga doorashooyinka, iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiinta ayaa ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka gobolka iyo bulshada deegaanka, si loo xaqiijiyo in geeddi-socodka diiwaangelinta uu u dhaco si hufan, nabad ah, loogana hortago caqabadaha farsamo iyo amni ee jira. Socdaalkan ayaa ah mid dhiirrigelinaya rajada shacabka reer Baydhabo ee doonaya in codkooda uu miisaan yeesho.







