Talaado 27, May 2025 {CBB} Agaasimaha Hey’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan gaar ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee magaalada Tardo
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka lagula jiro AS, iyadoo la doonayo in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo bulshada deegaanka.
Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa ku bogaadiyay odayaasha dhaqanka doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin taageeridda ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha dagaalka ee deegaanadaas.
Agaasimaha Hey’adda NISA ayaa maalmihii u danbeeyay ku sugnaa Gobolka hiiraan isagoo halkaas ka waday abaabullo lagu dardargalinaayo dagaaladda ka dhanka ah Al-shabaab.







