Home WARARKA CAALAMKA Turkiga ma Buuxin Karaa Booskii Mareeykanka ee Taageerada DFS uu siin jiray....

Turkiga ma Buuxin Karaa Booskii Mareeykanka ee Taageerada DFS uu siin jiray. ?

42
0

Arbaco, 28 May 2025 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay xoojineyso iskaashiga milatari iyo midka amni ee ay la leedahay Turkiga, si loo sii wado dagaalka AS.

Isbeddelkan cusub ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu hoos u dhigay saameyntiisa Afrika, isaga oo joojiyay qaar kamid ah dhaqaalaha taageerada ee uu siin jiray dalal badan oo ku yaalla Qaaradda.

Soomaaliya oo muddo dheer taageero milatari ka heli jirtay Mareykanka, ayaa hadda u muuqata mid u wareegaysa dhinaca Turkiga, sida lagu qoray Warbixin uu baahiyay Wargeyska Washington Post.

Turkiga ayaa horey u dhisay saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha Muqdisho, kaasi oo lagu tababaro kumanaan askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, hore Dowladda Federaalka ayaa Turkiga ka codsatay in ay u soo diraan Ciidamo iyo tababarayaan si ay Askarta Dowladda uga taageeraan dagaalka AS.

Mareykanka wuxuu ka caga jiidayaa dhaqaalahii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM, waxaana isbadalladani yimaadeen tan iyo 2024 oo markaasi oo uu xilka la wareegay Maamulka Madaxweyne Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here