Arbaco, 28 May 2025 {CBB} Larry Andre oo ahaa safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya intii u dhaxeysay Febraayo 2022 ilaa May 2023, ayaa ka digay in khilaafaadka qabiil iyo loolanka siyaasadeed ay caqabad weyn ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay The Washington Post wuxuu tusaale u soo qaatay rabshadihii doorashooyinka ee 2022, isagoo yiri, “In kasta oo ay jiraan isku dayo lagu mideynayo dalka, haddana saamaynta joogtada ah ee kala qaybsanaanta qabiilku waxay khatar ku tahay horumarka loo marayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.”
Hadalka Andre ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah, iyadoo doorashooyin soo socda ay dhawdahay iyo weliba caqabado amni oo ka imaanaya Al-Shabaab.
Wuxuu walaac ka muujiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xoogga saaray siyaasadda, taas uu sheegay in ay ka mashquulin karta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhismaha maamul wadajir ah.
Mareykanka, oo ah xulafada Soomaaliya, ayaa sidoo kale cabsi ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan murannada ku saabsan hababka doorashada.
“Kala qaybsanaanta qabiil ee Soomaaliya ayaa muddo dheer carqalad ku ahayd xasilloonida, waxayna hurisaa colaadaha iyo fashilka dowladnimada federaalka,” ayuu yiri Larry, safiirkii hore ee dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.
Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in haddii aan laga shaqeynin xalinta khilaafaadka qabiilka, horumarka Soomaaliya uu halis ugu jiro inuu istaago.







