Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Guddiga Doorashooyinka iyo Sohdimaha oo Kulan la Qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Sawiro;-Guddiga Doorashooyinka iyo Sohdimaha oo Kulan la Qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

75
0

Arbaco, 28 May 2025 {CBB}Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diyaarinta qabsoomida doorashooyinka soo socda. Guddigu waxay odayaasha kala hadleen muhiimadda ay leedahay in bulshada loo wacyigeliyo ka qeybgalka doorashada si loo xaqiijiyo geeddi-socod doorasho oo hufan oo loo dhanyahay.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa xusay in la qorsheynayo hawlo badan oo kor loogu qaadayo wacyigelinta bulshada iyo sidii loo dardargelin lahaa diiwaangelinta, iyagoo bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee odayaasha dhaqanka kaga jiraan nidaamka dimuqraadiyadda iyo xasilloonida deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here