Arbaco, 28 May 2025 {CBBWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, dardar-gelinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyo kor u qaadidda arrimaha mudnaanta u leh iskaashiga labada dowladood.
Sidoo kale, labada mas’uul waxay isla falanqeeyeen ka qeybgalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Kulanka Heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC), kaas oo lagu qaban doono 10–12-ka Juun magaalada Changsha, gobolka Hunan ee dalka Shiinaha. Kulankaasi ayaa sidoo kale la socda Bandhigga Afaraad ee Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Shiinaha iyo Afrika, oo lagu qabanayo isla magaaladaas.







